Gaadiid uu watay Guddoomiyaja Aqalka Sare oo laga celiyay Wadada Madwxtooyada

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isaga & gaadiidkiisa laga celiyay bar Kontaroolka Tiyaatarka Qaranka xilli uu ka soo baxay gurigiisa.

Guddoomiyaha ayaa lagu amray in ilaa uu madaxweyne Farmaajo ka gudbo jidka oo uu madaxtooyada ka galo uusan ka gudbi karin wadada .

Cabdi Xaashi ayaa ku sii socday magaalada balse waxaa lagu xayiray Kontroolka.