Maxaa kajira in Wasiirka Amniga Jubbaland uu la heshiiyay Dowladda Soomaaliya?

Sida ay  xaqiijiyeen ilo xogogaal ah waxaa gabo-gabo maraya Heshiis lagu soo afjarayo colaadii ka taagnayd gobalka Gedo, waxaana wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ku biiri doona dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ka wareegsan doona Jubbaland, laguna soo dhaweyn doono Balad-Xaawo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Wasiir Janan ka mid noqon doonaan kuwa DF Soomaaliya.

Isku dayo la xariira in uu awood kula wareego gobalka Gedo oo ay taageereysay Kenya ayaa fashil kusoo dhamaaday, sidaas oo kale mudooyinkii u dambeeyey isaga & Madaxweynaha Jubbaland xariirkood ayaa xumaa.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in tanni ay dhabarjab weyn ku tahay qorshihii Madaxda dawlad gobaleedyada Jubbaland & Puntland.