Turkiga oo walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya

War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu yiri;

“Waxaan ka walaacsannahay in dhinacyadu weli aysan gaarin heshiis ku saabsan geedi socodka doorashada Soomaaliya, iyo in rajada dadka Soomaaliyeed ee ah inay gaaraan nabad iyo barwaaqo la carqaladeynayo.

Waxaan mar kale ku boorineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo ku saleysan is afgaradkii la gaarey 17kii Sebtember 2020, isla markaana xoogga la saaro muhiimadda ay leedahay doorasho aan dib u dhac laheyn.

Turkigu wuu sii wadi doonaa taageerada aan siino dowladda aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee Soomaaliya”