Cabdirashiid Janan oo kulamo ka bilaabay degmada Doolow

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa manta gaaray Wasiirkii hore ee Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Iyo Ciidamadiisa, kuwaas oo shalay yimid degmada Cabudwaaq kadib markii Janan uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo ay whelinayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiiro kuxigeenada Wasaaraddaha warfaafinta iyo Wasiiru dolaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa waxaa degmada Doolow loogu qabtay munaasabad lagu soo dhaweeyay oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadas.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Gedo, Qaar Ka Mid Sarakiisha Ciidamada Gobolka Gedo, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Warfaafinta Xfs, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, Wasiiru Dowlaha, Wasaarada, Gadiidka XFs Cabdiraxmaan Dheere, Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Reer Doolow,

Dhamaan Masuuliyiintii Kala Duwanayd Ee Munaasbada Ka Qeyb Gashay ayaa sheegay ina ay Dhamaatay, kala aragti duwanaantii Jirtay, Isla markaana la is cafiyo, Hadda wixii ka dambeeyana loo Jeesto Hanaanka Iyo Horumarka Soomaaliya.