Puntland oo sheegtay in Farmaajo uu hor-istaagay kulankii Beesha Caalamka & Dowlad Goboleedyada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya ay hor istaagtay kulan la qorsheeyay oo dhexmari lahaa beesha caalamka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa nasiib darro ku tilmaamay kulankan oo galabta ka qabsoomi lahaa xerada Xallane in uu u baaqday amar kasoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Wasiir Dhabancad wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka joojiyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay ka qeyb galaan kulankaas oo uu sheegay in ay isku xogwareysan lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Dhinaca kale, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in shirka u dhaxeeya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka uu dhici doono Caawa.