Shir Gaar ah oo u furmay Madaxda Dowlad Goboleedyada

War goor dhaw aan helnay ayaa sheegaya inuu shir uga furmay xiligaan Hotel kuyaala Xalane shanta maamul goboleed, kuwaasoo shirkooda kaga hadlaya sida looga bixi karo ismariwaaga taagan.

Warbaahinta taageerta M.Farmaajo ayaa shirka ku tilmaantay Ergo uu Farmaajo udiray Madaxda Puntland iyo jubaland si ay ugu qanciyaan inay ku soo biiraan shirka teendhada Afasiyooni maalmahan uga socday M.Farmaajo iyo Maamulada saaxiibada dhaw la ah.

Dhinaca kale Wakiilada Beesha caalamka ayaa iyaguna shir ay kalahaayeen xaalada taagan soo gaba gabeeyay goordhaw kadib markii uu baaqday shir ay galabta doonayeen inay laqaataan madaxda shanta maamul goboleed, iyadoo shirkaas ay is hortaageen maamulada M.Farmaajo saaxiibada la ah.

Waxaa lafilayaa inay soo baxaan saacadaha nagu soo aadan warar Culus oo ka imaanaya Saaxiibada Caalamka gaar ahaan midawga yurub, Maraykanka, Q.midoobay iyo midawga Afrika.