Jibriil Cabdulle “Hadii lagu heshiin waayo Doorashadda waxaa dhici karta in beesha Caalamka ay la wareegto”

Jibriil Cabdulle “Hadii lagu heshiin waayo Doorashadda waxaa dhici karta in beesha Caalamka ay la wareegto”

Musharax Madaxweyne Jabrill Ibrahim Abdulle ayaa Maanta Shir jaraaid ku qabtay Magaalada kaasi oo uu uga hadlay Arrimo kale duwan oo ku gadaaman Xaalada Dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.

Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro Xaalad aad u adag taas oo qasabtay in shirar looga hadlaayo arrimaha Doorashooyinka ay qabsoomi waayeen,Waxaa uu carabka ku adkeeyay in kulamo gaar gaar ah uu la yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada yimid Magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Sidoo kale waxaa uu soo hadalqaaday kulamo kala duwan oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo Hiigsiga Dowladnimo

Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle waxaa uu si dareenleh uga hadlay arrinta Walaaca laga qabo ee Doorashooyinka waxaana uu Umadda Soomaaliyeed iyo Daneeyayaasha Siyaasada ugu baaqay in wax walbo lagu xaliyo is-afgarad iyo isku Tanaasul si dalka aan qalqal loo gelin

Jabriil Ibrahim Cabdulle Musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed kula taliyay in ay qaataan Talaalka Cudurka Coranavirus si looga hartago qatartiisa.

Waxaa uu ku taliyay sidoo kale in aan lagu kala tagin Shirka Muqdisho ka furan ee looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka kaasi oo habsami socodkiisa shaki wayn laga muujinaayo

Waxaa uu ka digay in lagu kala tago islamarkaana dib dhac horleh dalka la geliyo taas oo laga dhexli karaayo Niyad jab xoogan.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada dhexe ayuu ugu baaqay in ay u Tanaasulaan Danta guud oo ay qaataan Go’aan Wada Wanaagsan u xaaraya Dalka

Dalka waxaa uu carabka ku adkeeyay in afartii sanaba mar ay muhiim tahay in ay Doorasho ka dhacdo taasi oo mar walba jiheeysa Dowladnimada dalka

Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in hadii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka taasi oo aheed xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray

Geesta kale waxaa uu u sababeeyay Isku dhexyaaca siyaasadeed ee jira in ay sabab u tahay Dastuurka dalka oo aan loo hoggaansamin

“Welwel xoogan ayaa dalka naga-haayo waana na dhibeeysaa in xalkeeyna laga raadiyo beesha Caalamka oo hadana xal la keeni waayo waxaan ka cabsi qabaa in faraha nagala qaado”

Ugu dambeeyn Madaxda kala duwan waxaa uu kula dardaarmay in aysan Magaalada ka bixin iyagoo Heshiis ka gaarin arrimaha la isku haayo ee Doorashooyinka.