Dad horleh oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 148, isla markaana cudurka laga helay 174 Ruux.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogaan, 65 Ruux Soomaaliland, 31 Ruux Galmudug, 27 Jubbaland, Banaadir, 14 ruux, Koonfur Galbeed 11, Hir-Shabeelle 10 ruux halka Puntland ay joogaan 16 Ruux.

Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala yihiin 106 rag ah iyo 68 Dumar ah, halka cudurka ay u dhinten 17 Ruux oo kala jooga, 8 qof Jubbaland, Banaadir 5 ruux, Soomaliland 3 Ruux halka 1 qof uu degaannada Puntland cudurka ugu geeriyoday, waxana ka bogsaday 44 Ruux.

Ugu dambeyn Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in  guud ahaan  tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyey cudurka COVID-19 ay gaarayaan 10,838, dhimashada 488 qofood halka ay cudurka ka bogsadeen  4,678