Dhimasho & dhaawac oo ka dhashay shil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shilkan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay taalada daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca loo yaqaano Dheeynada oo siday hilib uu Farrin goostay, waxaana uu dumiyay qeyb kamid ah darbiga Taalada Daljirka Daahsoon marka laga yimaado dhinaca xigta Isgoyska Boondheere.

Goobjooge ku sugnaa halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in shilka uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Taalada Daljirka Daahsoon mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxa sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray qeyb kamid ah Darbiga Taalada Daljirka Daahsoon, iyada oo Wadihii Gaariga ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska ee ku sugan Taalada Daahsoon.

Shilalka Gaari ayaa mararka qaar ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaara dadka saaran Gawaarida shilka gala iyo dad Goobta marayay.