Guddoomiye Mursal oo fadhiyada Golaha Shacabka ka joojiyay 15 Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa shaaciyay liiska 15 xildhiban, kuwaas oo laga joojiyay ka qeyb-galka kulamada soo socda ee Baarlamaanka mudada xilheyntooda uu dhamaaday.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha  oo la ogeeysiiyay, Madaxa Habdhawrka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ha Ciidanka Amniga Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 kulan aysan iman Karin 15 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhbaannadaan ayaa sababaha looga joojiyay ka qeyb-galka 5 kulan ee golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay inay ishor-istaag ku sameeyeen furitaanka kulankii shalay ee Golaha Shacabka kaas oo uu buuq ka dhashay.

Anigoo tixraacay warqada sumadeedu tahay GSH003/B-10 /12/21 ee lka soo baxday Xafiiska Habdhawrka  Golaha ee ku taariikhaysan 27/3/2021, waxaan si waafaqsan warbixinta Habdhowraha, xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yahay ee horjoogsigga ku sameeyey fadhiga Golaha 27kii Maanso 2021 laga joojiyey shan (5) fadhi laga bilaabo taarikhda warqadan iyaga oo ku xadgudbay Qodobka 16aad (), , Qodobka 18aad faqrada (a), (b), Qodobka 19aad faqrada 1aad (b), , (d), ), (O, ( iyo Qodobka 28aad faqrada 5aad 👎 iyo Qodobla 4aad ee Xeerhoosaadka Golaha. Xubnaha kale ee soo saadiray fadhiga Golaha ee si ku talagal ah u saxiii waayey maxdarka si ay hor istaag ugu sameeyaan guntanka waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha in uu magacyadooda u soo gudbiyo Guddoomiyaha si waafaqsan qodobka 23aad faqrada 16aad.

Xildhibaannada fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka uu guddoonka Golaha kajoojiyay ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.

  1. Xil. Elmi Mohamed Nur
  2. Xil. Hussein Qasim Yusuf ldow
  3. Xil. Mustaf Sh Ali Dhuhulow
  4. Xil. Abdulahi Mohamed Nur
  5. Xil. Mahad Maxamed Salaad
  6. Xil. Abdirasaq Omar Mohamed
  7. Xil. Mohamud Abdirahman Beene beene
  8. Xil. Mohamed Ali Omer
  9. Xil. Faisal Abdille Guled

10.Xil. Abdullahi Yusuf Hassan-Alankey

11.Xil. Abdirashid Mohamed Xidig

12.Xil.Jibril Abdirashid Haji

13.Xil. Mohamed Ahmed Abtidon

14.Xil. Sadiq Hirsi Warfa

15.Xil Hassan Abdi lsmail- Hassan Yare

Xildhibaan Sadiiq Xeri Warfaa oo kamid ah Xildhibaannada fadhiyada laga joojiyay ayaa sheegay in Go’aanka uu qaatay guddoomiyaha uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan amarkiisa u hoggaansami doonin ayna tegi doonan Kulamada.