Jabril “ Siyaasiyiinta caqabada ku ah geedi socodka doorashooyinka, waxa ay ku dul ciyaarayaan dab”

Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalka taakuleeya Soomaaliya ayaa rajo xumi iyo walwal ka muujiyay shirka mudada ka badan sadaxda asbuuc  uga socday magaaladda Muqdisho Siyaasiyiinta Soomaalida. Shirkaan ayaa waxa ka dhashay  ismari’waa u dhaxeeya siyaasyiinta,  gaar ahaan shaqsiyaadka mas’uuliyada tooska ka saaran tahay taabagalinta doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan waligood lagula xisaabtamin mas’uuliyadda ay u hayaan ummada Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwa aan u damqanaynin xaalada adag ee uu dalku ku jirto.  Waxa jira baahi loo qabo in heshiis deg deg ah laga gaaro xaalada arimaha doorashooyinka si umaadda Soomaaliyeed u tiigsato arimaha daruuriga ah iyo dib u dhiska dalka.

“Waxa nasiib xumo ah   in beesha caalamka  iyagu noqdaan kuwii  u damqanaayay umadda Soomaaliyeed halkii siyaasiyiinta Soomaalida,  gaar ahaan hogaanka dowldda waqtigeeda dhamaaday u muuqda kuwo caqab ku ah   in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, raalina la isaga yahay”. Sidaas waxa yiri Murashax Jabril Ibrahim  Cabdulle

Murashax Jabril Cabdulle  ayaa ku daray “Markii ugu  horaysay mudo ka badan 30 sano waxa ka dhex  jira beesha caalaamka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’addaha daneeya degenaanshaha Soomaaliya aragti mideysan  oo ah in cunaqatayn buuxda la saaro shaqsiyaadka caqabada ku ah arimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xasiloonida dalka  Soomaaliya ”.

Danihii  iyo mastaqbalkii Soomaaliya ayaa ku soo dhamaatay  ilaalinta iyo difaaca dano gaar ah. “caqabadaha hortaagan in heshiis laga gaaro arimaha doorashooyinka ayaa salka ku hayo arimo iyo dano shaqsi ah kuwaas oo ka baxsan kana soo horjeedo arimihii masiiriga ahaa  ee loo doortay madaxda hada haysa hogaanka dalka” Ayuu yiri Jabril Cabdulle

Murashax Jabril Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida ee caqabada ku ah geedi socodka doorashooyinka dalka, ay yihiin kuwo  ku dul ciyaaraya dab. ”si xaaladan khatarta ah uga baxno waa lama huraan in cunaqabatayn buuxda la saaro shaqsiyaadka caqabada ku ah  arimaha geedi socodka doorashooyinka” ayuu raaciyay Jabril Ibrahim Cabdulle oo warbaahibta kula hadlay magaalada Muqdisho.