Dhageyso:-Xildhibaan sheegay in Magacyadooda & Sawiradooda la dhigay Koontoroolada laga galo Madaxtooyada

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan 15 xildhibaan ee Golaha Shacabka oo Guddoomiye Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ka joojiyay inay ka qeyb galaan 5 kulan oo ka mid ah kulamada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxtooyada ay bilaawday qorsho looga hortagayo inay ka qeyb galaan kulamada.

Xildhibaanka oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in Baraha Koontorool ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya la dhigay Magacyada iyo sawirada Xildhibaannada 15-ka ah, si looga joojiyo inay Madaxtooyada galaan.

“Baraha Controlada iyo Dad aan Munaasab ku aheyn ayaa Magacyadeena iyo Sawiradeena loo qeybiyay wixii aritaasi ka dhashana Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Masuuliyadeeda qaadi doona ayuu yiri” Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.