Kulan u socdo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalintii saddexaad Shir uga socdo Muqdisho ayaa kulan la leh Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah  Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo dhamaantood maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulankooda uga hadlaya xal u helida marxaladda dalku marayo gaar ahaan arrimahaa xiriira Doorashada.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sidoo kale shirkooda waxaa la filayaa in uu ku biiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.