Wasiir Gallan” Dowladda Soomaaliya ayaa qalqal amni & mid siyaasadeed ka abuureyso degaanadeena”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay khalalaaso amni darro iy mid siyaasadeed ka abuurayaan degaannada Puntland.

Wasiir Gallan waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxdeeda aysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, taas bedelkeedana ay degaannada Puntland ka wadaan kicin dadweyne iyo inay abuuraan khalalaaso.

Wasiir Gallan waxaa uu hadalkisa uu I ntaasi ku daray in Madaxda dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkeeda uu dhamaaday in Magaalooyinka Amniga ah oo ay ugu dambeeysay Magaalada Dhahar ay isku dayeen inay falqalado ka abuuraan si ay bulshada u kiciyaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan waxaa uu sheegay in howlaha ay Madaxda  dowladda Soomaaliya ka abaabulayaan magaalada Muqdisho in aysan aheyn wax laga sugi karo oo ah dawadii Soomaaliya.

War kaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli  uu xoogeysaty khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland.