Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen kuwa daraawiishta Jubbaland  ay siwdajir ah u sameeyeen howlgallo miino baaris ah

Howlgalka ayaa Ciidamada  Ururka 5aad  Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab iyo Ciidanka Daraawiishta jubbaland hwaxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada Dhaaycabdow, mayoonde  iyo Buula-kuusow  oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in hwolgalka ay kusoo saareen miinooyin  dhwor ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen degaannadaas, isla markaana Al-Shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen howlgalka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland waxaa ay sameeynayeen howlgallo ka dhan  ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo mararka qaar la kulmayay weeraro uga imaanaya l-Shabaab.