Diyaarad siday Wafdi ka socda Imaaraadka oo laga celiyay Garoon ku yaal Gobolka Mudug

Diyaarad siday wafdi ka socday shirkadda DP World  ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa loo diiday inay ka soo degto airport-ka magaalada Garacad.

Ciidan beeleed hubaysan ayaa la wareegay airport-ka Magaalada kadib markii ay ogaadeen in ay diyaaradu sido wafdi ka socda DP World iyo deeq lacageed.

Gudiga dhismaha  Dekadda  ayaa  iska diiday in DP World lagu wareejiyo dhismaha Dekadda Garacad.

Maamulka Puntland ayaa horay DP world ugu wareejiyay Dekadda Bosaso oo ilaa iyo hadda waxba laga qaban.