Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Masar oo geeriyooday

Allaha U Naxariistee Dr. Kamaal Al-Gansuuri oo labo jeer RW ka soo noqday dalka Masar ayaa la sheegay inuu saakayto geeriyooday, isagoo 88-jir ah.

Marxuumka waxaa uu muddo dheer la hardamayey xanuun hayey.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Masar, Dr. Kamaal Al-Gansuuri waxa uu 2 jeer soo qabtay xilkaasi, isagoo markii ugu horeysay hayey muddadii u dhexeysay bishii Janaayo 1996-dii ilaa October 1999-kii.

Mar Labaad ayaana xilkaasi loo magacaabay muddadii u dhexeysay bishii November ee sanadkii 2011-kii ilaa bishii July ee sanadkii 2012-kii, kadibna waxaa loo magacaabay La-taliyiha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynihii KMG ee dalka Masar, Cadli Maxamuud Mansuur ee talada hayey muddadii u dhexeysay bishii July 4-dii ee sanadkii 2013-kii ilaa bishii June 8-dii ee sanadkii 2014-kii.

Waxa kale ee uu horey u soo qabtay Xilalka Guddoomiye 2 Gobal iyo Ku-xigeenka RW iyo Wasiirka Qorsheynta ee Masar.

AUN Ra’isul-wasaarihii hore ee Masar, Dr. Kamaal Al-Gansuuri waxa uu ku dhashay Tuulladda Jarwaan ee Degmadda Al-baajuur ee Gobalka Al-munafiyat ee dalka Masar bishii Janaayo 12-dii ee sanadkii 1933-dii.