Janan oo cadeeyay wixii ay isku khilaafeen Madaxweynaha Jubbaland

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland oo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya la heshiiyay ayaa markii ugu horreeysay waxaa uu ka hadlay sababihii keenay khilafka, isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Wasiir hore Janan waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi doonaya in kaliya in uu isku ekeeyo awooda Dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana dadka kale ay yihiin xilal haayayaal.

Waxaa uu ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ku fashilmay in muddo laba sano ah oo aga joogo dib u doorashadiisa uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaanq ofka kaliya ee hadda maamulka Jubbaland kajira uu yahay Axmed Madoobe.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa siweyn u taageersanaa siyaasadda Madaxweynaha Jubbalnad, hayeeshee uu si kulul u dhaliilay wixii ka dambeeyay markii uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya.