Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo & faah faahin laga helayo

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahan Hay’adda ayaa waxaa Kooxo huberysan ku dileen  Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland  Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggoo dilka u geystay Sarkaalka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawanahaan waxaa kusoo badanayay dilalka Qorsheysan iyo qaraxyada, waxaana Magaaladaasi dhawaan lagu dilay mid ka mid ah wariyaasha ka howlgala Puntland.

Wararka saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.