Madasha Badbaadada Qaran oo dayacaad amni ku eedeeyay Farmaajo

Madasha Badbaadada Qaranka ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen dagaaladii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Madashu waxay bogaadisay ciidamada dowladda ee davaalka adaga galay Al-Shabaab oo weeraf ku qaaday Saldhigyada Ciidamada dowdda ee degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire.

Qoraal dheer oo kasoo baxay Madasha badbaadada Qaran ayaa waxaa lagu yiri”

“Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iskaga caabiyey weerarkii ay argagexisada Al shabaab
kusoo qaadeen farisamahooda deegaannada Aw-Dheegle iyo Bariirre ee Gobolka Shabeelada
Hoose. Madashu waxey tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen geesiyaashi ka
tirsanaa CXD ee ku shahiiday weerarkaas, waxeyna caafimaad deg-deg ah u rajeyneysaa
saraakiisha iyo ciidanka kale ee weerarkaas ku dhaawacmay.

Sidoo kale Madasha badbaadada Qaran ayaa waxaa au sheegeen in Muuqaallada iyo warbixinnada laga soo tebinayo farisimaha ay Al-Shabaab kusoo weerareen
Ciidanka, ay muujineyso sida uu madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday u dayacay
ciidanka ku sugan aagga hore ee dagaalka cadawga. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisi badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu
cabburiyo siyaasiyinta ka aragtida duwan.

Qoraal Madasha Badbaadada Qaran oo aad u dheera ahaa sidoo kale waxaa lagu sjeegay in in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo
agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si
uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.

“Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in
hey’addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista
dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas
badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo
arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay
helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf
halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho ayaa  yiri” qoraalka Madasha badbaadaa Qaran.

Ugu dambeyn Madasha ayaa sheegtay inay adkaynayso in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibkooda qaran, una helaan taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta oo idil, iyaga oo dalbaday in gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiyo ciidamada ku sugan saldhigyada la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan Al Shabaab.