Shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo Maalintii labaad galay

0
2

Waxaa Maalintii labaad ka furmay Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdsho Shirka madaxda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay bilaawday ayaa waxaa Maanta ay Madaxda guda-galayaan ka doodista ajandaha iyo cidda ka soo qayb-galaysa shirweynaha doorashada ee dhawan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay u dhowdahay in shirka uu isfaham ku dhamaado ama lagu kala tago, maadaama madaxda dowlad Goboleedyada ay waqti badan joogan Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada la aragtida ah ay ku adkeysanayaan in Geedi socodka doorashada lagu saleeyo Heshiiskii 17-September ee Xamar iyo is afgaradyadii Baydbabo, halka madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayaan in wax layska weydiiyo dhacdadii 19 Febraayo ee Xamar iyo in door la siiyo saamileyda siyaasadeed ee kale.

Wakiilada Beesha Caalamka oo lahaa qaban qaabada Shirka ayaa kor kala socda, iyaga oo Madaxda ku cadaadinaya inay gaaraan heshiis si uu u qabsoomo shirweynaha wadatashiga doorashada.