Jabriil Cabdulle & Lafta-gareen oo kulan xasaasi ah ku dhexmaray Muqdisho+Sawirro

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku kulmay magaaladda Muqdisho gaar ahaan Hoyga uu ka degen Caasimada Dalka ku qaabilay.

Labadan mas’uul, Madaxweyne Lafta-gareen iyo Musharax Jabriil ayaa qaatay muddo dheer waxayna uga hadleen guud ahaan Xaalada cakiran ee Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka, Jabriil Cabdulle ayaa tilaam Balaaran ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay tanasulaadda iyo in la fiiriyo danta Guud. Jabriil ayaa yiri “Xaaladda dalka uu ku sugan oo adag waxaan idinkaga fadhinaa inaan si deg deg ah u qabataan doorashooyin raali laga wadaha-yahay”

Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Madax sar sare heer Federalka iyo heer Maamul-gobaleedyad oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.