Somaliland oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB & Gorgor oo u goostay

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay saraakiil ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka goosatay, cafisna weydiistay maamulkasi.

Saraakiishan oo kasoo jeeday degaanada
Somaliland ayaa sida uu baahiyey Telefishanka
Somaliland sheegay inay dalbanayaan cafis, kana
laabteen midnimada Soomaaliya oo lagu khalday,
waxayna sheegeen darajadooda iyo cidamadii ay
ka tirsanaayeen.

Saddex sarkaal iyo askari dable aha ayaa kasoo muuqday muuqaal uu soo bandhigay TV-ga Somaliland,waxayna macgacyadooda ku kala sheegeen sida soo socota.

1- Laba Xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan (Wuxuu ka tirsanaa ciidamada kumaandooska Danab)

2- Xiddigle Maxamuud Axmed Cali (Wuxuu ka
tirsanaa Ciiamada Danab, wuxuuna u qaabilsanaa wacygi gelinta ururka aaraad ee Danab, iyo afhayeenka guutada 16-aad).

3-Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac (Wuxuu ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya).

4- Maxamed Xasan Xaashi (Wuxuu ahaa Dable ka tirsan ciidamada Gorgor ee Milateriga)