Burcad dhac iyo Dil ka geysatay Xaafadaha Degmada Kaaraan.

0
2

Qeylo dhaan tii ugu xooganeyd ayaa kasoo yeereysa Xaafado kuyaalla degmada Kaaraan oo si aan ganbasho laheyn Burcad hubeysani Maalin iyo Habeen dhac joogto ah uga geystaan.

Deegaanada lasoo wariyay oo maalmahan burcaddu kusoo badatay Waxaa kamid ah Xaafadaha Xaawa Casir, XaliimoHeyti, Jamhuuriya ,Waddada dheer ee kabaxda Isgoyska Mirinaayada ee tagta Keysaney Hospital iskuna xirta Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, Mararka Qaar Burcadda ayaa dil iyo Dhaawac kulakaca dadka ay dhacayaan hadii ay kawaayaan Hanti ay qaataan.

Masuuliyiinta Gobolka Banaadir Maamulka degmada Kaaraan iyo Laamaha Amniga ee Caasimada ayey ugu baaqeen in wax laga qabto dhibaatooyinka lagu hayo Shacabka kunool degmada Kaaraan.