Shirkii Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada oo dib u bilaabanaya

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu markale ka bilawdo shirka u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo Sabtidii todobaadkaan  ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa shalay waxaa la galay, waxana Maanta Madaxda ay ak doodi doonaan Ajandaha uu ku furmi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka iyo cidda ka qeyb galeysa.

Intii uu shirka ka socday Teendhada Afisiyooni ayaa warar soo baxayay waxaa ay shegayeen in Madaxda ay isku frahmi la’yihiin cidda ka qyeb galeysa shirweynaha doorashooyinka, isla markaana Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay dalbanayaan in dhamaan saamileyda siyaasadeed ay shirka ka qeyb galaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isha waxaa ay ku hayaan shirka teendhada Afisiyooni, iyaga oo Madaxda ku cadaadinaya inay gaaraan heshiis sahli kara in uu ku furmo Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.