Xeer ilaalinta Qaranka oo Go’aan kasoo saartay Dacwaddii loo heystay Cabdirashiid Janan

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland Cabrirashiid janan, kaasi oo  loo heystay dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada.

Sidoo kale Maxkamadda Gobolkan Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka eek u aaddan eedeysane Cabdirashiid Janan.

Wawiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan la heshiiyay dowladda Soomaaliya, waxaana la keenay Magaalada Muqdisho oo laga dejiyau Hoteel qaali ah.