Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo Jawaab deg deg ah siiyay Sanoter faroole

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa u jawaabay Siyaasiga Sanoter Cabdiraxmaan Faroole oo shalay weerar afka ah ku qaaday maamulada Galmudug,Hirshabeele iyo Koofur Galbeed.
Xildhibaanka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sanoter Faroole khilaf iyo naceyb uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo, sauag oo sheegay in Ciidamada dowladda dhawaan soo qaban doonaan.
” Dowlad naceyb ayaad weligaa ku dhimanaysaa ogoowna Ciidamada Dowlada Burtinle ayay soo marayaan waana lagu soo qabanayaa,  Hadii aad Farmaajo necebtahay dadka iyo dalka inaa kala saarto waa kuugu qalad waana laga gudbay xiligii qof labaryi jiray ama nidaamka dowladnimada ayaa qaadaneysa ama waa lagu soo qabanayaa.