Golaha Shacabka oo kulan la isugu yeeray, Mooshin horyaalla

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Berri shir degdeg la isugu yeeray, iyadoo la sheegay in looga hadli doono Mooshin laga keenay Doorashooyinka Qaranka.

Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka
ayaa lagu yiri: “M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha
Shacabka.Agendaha1. Ka doodista Mooshin ku
sahabsan Doorashooyinka QarankaSaacadu waa
09:00 subaxnimo..”

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Berri la
qorsheeyay in Mooshinka laga akhriyo kulanka,
kaasoo ka hadlaya mar haddii lagu heshiin waayay
Dorasho dadban dib loogu laanto ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah muddo laba sano ahn ay ku diyaariyaan
Guddiga Doorashooyinka Qaran.

Arrintan ayaa ka dhigan in Golaha Shacabka kaliya
uu ku dhaqaqi doono muddo korori wax badan
looga digay madaxda dowladda Federaalka
Soomaaliya oo ay ka horjeedo Beesha Caalamka.