Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Berri tahay Ramadaan

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta (XFS) ayaa ku dhawaaqday dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta  Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in berri ay tahay maalinta Koowaad.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dowladdaha islaamka ay xiriiro la sameeyeen, sidoo kalena meelo ka mid ah Soomaaliya laga soo sheegay.