Duqa Muqdisho oo digniin Amni soo saaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiye yaasha Degmooyinka sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Dowlada Hoose ee Xamar kaasi oo lagu qabtay Xarunta Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga hadlay soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan taasi oo uu Guddoomiye Cumar Filish kula dar-daarmay shacabka Gobolka Banaadir in ay is gar-gaaraan iskuna turaan. Waxaa uuna sidoo kale Guddoomiyaha kula dar-daarmay shacabka in ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Argagixisada maadaama Bisha barakeysan ee Ramadaan ay geystaan dhibaatooyin ka dhan ah shacabka.

Waxaa sidoo kale shirka loogu hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar si loo fuliyo adeegyada aas-aasiga ah oo ay shacabka u baahan-yihiin isla markaana loo fulin lahaa Hiigsiga Duqa Magaalada ee ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa xariga ka jaray Xafiisyo Cusub iyo Hool weyn oo shirarka ah kaasi oo lagu soo kordhiyay xarunta Degmada Dayniile.