Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay Xubno Shabaab ah & dowladda oo ka hadashay

Ciidamada Ururka 7aad ee Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen Degaanka Gamboole oo qiyaastii 48km dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan Magaalada Jowhar ee Xarunta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Holwgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid amn iga lagu xaqiiijinayo, isla markaana looga hortagayay weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ku Simaha Taliyaha Guutada 16 aad ee Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Dhame Xasan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Hawlgalka lagu dillay 15 Xubnood oo ka tirsan AlShabaab, gaar ahaan kuwa weerarada fuliya ee loo yaqaan Jabhada halka kuwo kalana lagu dhaawacay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidanka kumandooska DANAB ay sidoo kale Gacanta ku dhigeen Hub iyo Agab kale oo ay deganka Gamboole ku heysteen Ururka  AlShabaab.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jer howlgal ku qaaday deganka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in Al-Shabaab ay kaso o abaabulaan weerarada ay ka geystaan Gobolkaas.