Midowga Yurub oo u hanjabay Madaxda Dowladda ( Waa in laga heshiiyaa doorashada)

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hor yimid muddo
kordhinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ku
dhaqaaqay, iyagoo ku tilmamay mid an la aqbali
karin oo haddii lagu socdo ay qaadi doonto
tallaabooyin.

“Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka
Soomaaliya wuxuuu codeeyay in loo kordhiyo
waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka
labo sano kadib ismari waagii ku yimid geeddi-
socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo
afjaro ugu dambeyn 8da Febraayo 2021.

Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay
taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu
dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad”
ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub.

Madaxda Midowga Yurub ee Amniga iyo
Siyaasaddda Josep Borrell ayaa qoraal uu soo
saaray ku caddeeyay in Beesha Caalamka, oo ay ku
jiraan Midowga Yurub,ay si isdaba joog ah oo cad u
muujiyeen inaanan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama mid uun ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, ivadoo aan la helin heshiiski dhinacvada heshiiskii doorashada ee 17-kii September.