Xubno ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo ku baaqay in cunaqabateyn la saaro dowladda Soomaaliya

Laba mudane oo ka tirsan Aqalka Congaress-ka
Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda
Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna
tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa
caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada.

War-saxaafadeed maanta soo baxay
Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo
Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo
Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hoose ee
Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa
goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku
saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan
sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,
ayey ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka
waxaana uu boqon goynayaa raadintii
dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya, ayey intaas ku dareen. MCR