Isbedel iyo Isku Shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada Booliska G/Banaadir

Is bedel iyo isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah Taliye kuxigeenadi qeybta guud ee Gobolka Banaadir.
Taliyayaasha xilalka laga qaaday:
Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) oo ahaa taliyaha qeybta waliyoow cadde waxaa lagu bedelay Cabdi Baasid.
Yuusuf Xundubeey oo ahaa Taliyaha qeybta Galbeed waxaa lagu bedelay Cali Goof Jooge
Taliyihii Waaberi Mooshin waxaa lagu bedelay Axmed Baashane Cleey.
Taliyihii Howlwadaag SHuceyb waxaa lagu bedelay Najiib Carab.
Taliye Kuxigenekii qeybta guud Jeego waxaa lagu bedelay Siciid Baryare.
Is bedeladan ayaa ka dambeeyay kaddib markii saraakiisha qaar ay diideen in la weeraro Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John, halka kuwa kalena loo bedelay inay aad uga dhowaayeen.