Xilliga uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaagida ee dugsiyada Sare oo la shaacisay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ayaa  Qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, waxa ay ku wargelisay dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha 5-aad ee Maajo , 2021.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa loogu rajeeyay guul Ardayda Soomaaliyeed, iyada oo loogu baaqay inay u diyaar garooban imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare.