Gudoomiyihii degmada Xamarjajab oo la dilay

Gudoomiyihii Degmadda Xamarjajab,Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah, Dilka ayaana dhacay xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay  dilka Gudoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.

Gudoomiyaha la sheegay in uu ka tagay ilaaladiisa qaaska ah,islamarkaana uu ahaa kaligiisa xilliga la dilayay.

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya weli wax faah fahin ah kama bixin dilka Guddoomiyihii degmada Xamar jajab sidoo kale majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.