Xiisad dagaal iyo hub aruursi laga dareemay Muqdisho & dowladda oo go’aan ka qaadatay

Xiisada dagaal ayaa waxaa xalay laga dareemay Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana ay ka dambeeysay kadib markii Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu dib ugu laabtay xaafadaas.

Ka hor inta uusan ku laaban Saadaq Joon Xaafada Shiirkole aya Xildhibano ka tirsan golaha Shacabka waxaa ay sheegeen in Ciidamo la dul-dhigay guriga uu ka deganaa agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, taas oo keentay in uu isaga guuro.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan geeysay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xaafada shiirkole, waxana Xaafadaas ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Saadaq Joon loogana soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan geeysay wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xaafada Shiirkole, kuwaas oo koontoroolayay dhaq dhaqaaqa Gawaarida galeysa Xaafadaas iyo kuwa ka baxaya.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo kala ah, Cabdiraxmaan Odawaa, Mahad Salaad & Saabir Shuuriya oo tegay Hooyga Saadaq Joon ayaa dowladda ku eedeeyay inay dooneyso inay weerarto Saadaq Joon,waxaana ay sheegeen inay difaacayaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga  Xasan Xundubeey Jimcaale oo xalay Saqdii Dhexe Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in xilligaan aysan jirin qorsho lagu weerarayo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ( Saadaq Joon).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda hadii ay ugu talo gasho ay marhore soo afjari karta Saadaq Joon balse uusan jirin weerar lagu yahay, waxaana uu ka digay in Colaad laga huriyo Magalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo xiisad dagaal laga dareemao xaafada Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu fariisin ka dhigtay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ( Saadaq Joon).