Uhuru Kenyata oo diiday in uu la kulmo Farmaajo oo ku sugan Koongo

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa waxaa la sheegay in uu ka baaqsaday safar uu Maanta ku tegi lahaa Jamhuuriyadda Koongo, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa dib u dhigay ilaa Beri safar uu ku tegi lahaa Magaalada Kinshaasha, taas oo keentay in Farmaajo uu soo gaabiyo booqashada uu ku joogo dalka Kenya.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khilaaf xoogan waxaa uu kala dhaxeeya dowladda Kenya, iyada oo kal hore Kenya xiriirka loo jaray.