DEGDEG: Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby oo la dilay

Waxaa la xaqiijiyay geerida Madaxweynihii dalka Chad Idiris Deby, kaas oo dhawaan ku guuleystay doorasho muran uu ka taagan yahay oo ay diiden mucaaradka oo ka dhacday dalkaas.

Telefishanka dalka Chad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Idiris Deby uu ku dhintay aagagga dagaalka kadib markii uu soo gaaray dhaawac culus, isaga oo hoggaaminayay dagaal lagula jiray fallaagada waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Idiris Deby ayaa 30 sano ee la soo dhaafay waxaa uu xukumayay dalka Chad, waxaana Ciidamada Chad ay hada la dagaalamayaan xoogaga kacdoonka ee weerarka ku qaaday caasimada N’Djamena.