Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka oo hal arrin loo diray & xog…

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in guddigii doorashada ee lagu muransanaa lagu wargeliyay hoteelada iyo guryihii ay deganaayeen in ay ugu egtahay 25ka bishan.
Xubno ka tirsan guddiga ayaa ii sheegay in lagu wargeliyay in ay ka guuraan goobaha la dejiyay oo ay ka mid ahaayeen hoteel ku dhow garoonka diyaaradaha.
Xogta aan helay ayaa sheegaysa in hogaanka guddiyada ay caawa afur ku leeyihiin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Gudiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Qaranka ayaa u muuqda kuwo Shaqadooda ay mugdi gashay kadib markii muddo kordhin ay dood ka taagan tahay loo sameeyay Farmaajo.