Kulan looga hadlayay sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab oo lagu qabtay Baydhabo

0
2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir guddoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhanla ah Al-Shabaab iyo sidii loo kordhin lahaa howlgallada lagaga hortagayo qaraxyada ka dhaca gobolada baay,bakool iyo shabeellaha hoose.

Qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee ramadaan

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu  tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda qeybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey saaxibada soomaaliya dadaalka ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka geystaan degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, balse ay barbar socdaan howlgallo ay fulinayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.