Xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka Warsheekh oo la dilay

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goor dhow xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay lagu toogtay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Wadajir, xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona goobta ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ku geeriyooday Xarun Caafimaad oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ka wadaan halku uu falku ka dhacay oo aheyd Siliga Ameerikaanka.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkii Caawa loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmadaas ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.