Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya & Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga digay dowladaha Kenya iyo Jabuuti inay faragerlin ku sameeyaan Go’aanada ku saabsan Arrimaha Soomaaliya ee kasoo baxaya Shirka Guddiga Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Addis Ababa.

Wasiir Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay xog ku saabsan in dowladaha Jabuuti iyo Kenya ay wadaan ololo Diplumaasiyadeed oo Guddiga Amniga Midowga Afrika uga dhaadhacinayaan in lagu daro qodobo ay doonayan warmurtiyeedka laga soo saarayo shirka Midowga Afrika.

“ Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka digeeysaa waxkasta oo taabanaya gobanimada & Madax banaanida siyaasadeed ee jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana kasoo horjeednaa in dowlado xubno ka ah guddiga oo Soomaaliya kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay Guddiga amniga ee Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobanimada & Madax banaanida siyaasadeed ee jamhuuriyadda Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in Ururada ay dowladda kamid tahay ay u sheegayaan in & diplumaasiyiinta shisheeye in Barlamanka Soomaaliya uu yahay hay’ada ugu sareeysa ee shirci dejinta dalka, Xeerarka kasoo baxana ay yihiin go’aanka ugu dambeeya, Xukuumaddana ay tahay Hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga.

Ugu dambeyn Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ayna cid ka aqbaleyn ku xadgudubka Arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo kasoo horjeeda Xeerkii & Sharciyadii lagu Aas’aasay Ururka Midowga Afrika, balse ay soo dhaweeynayaan cid kasta oo gacan ka siineysa in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.