Guddoomiye Cuusb oo loo Magacaabay degmada Xamar Jajab

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa uu Guddoomiye Cusub u Magacaabay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab loogu Magacaabay Macaawiye Muudeey oo mar soo noqday Wariyeyaasha ka howlgalla Warbabinada ugu caansan Magaalada Muqdsho.

16-kii Bishaan ayaa Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jabab Maxamed Cabdi Xayle waxaa lagu dilay Gurigiisa oo ku yaal xaafada Sarkuusta, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay baxsadeen.