Midowga Afrika oo cambaareeyay Go’aankii muddo kordhinta ee Golaha Shacabka

Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa qoraal caawa uu soo saaray ku cambaareeyey go’aankii uu Golaha Shacabka Soomaaliya ay muddo laba sano ah ugu kordhiyee Hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo Dastuurka.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Nabad iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo.

Waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ahmiyad siiyaan danaha qaranka, ayna deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallo saldhig looga dhigayo heshiiskii September 17.