Shaqaaqo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho+Sawirro

Sawirro ayaa laga helay qalalaasihii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, gaar ahaan qeybta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa muujinaya burbur.

Warar goor hore oo maanta ah lagu baahiyay baraha bulshada ayaa tibaaxayay in gacan-ka-hadal uu dhexmaray xubno ciidamo ah iyo hawlwadeenno ka tirsan immigration ka, gaar ahaan qeybta duullimaadyada Caalamiga ah.

Garoonka diyaaradaha Adan Abdulle ayaa il dhaqaale oo muhiim ah u ah dowladda Soomaaliya,  oo ku tiirsan kaalmo shisheeye.