Akhriso:- Magacyada Gudd loo Magacaabay shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa magacawday Guddi soo baara Rabshadihii ka dhacay Khamiistii la soo dhaafay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga oo la ogeysiiya, Wasirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxaweyna  ayaa lagu Magacaabay Xubnaha Guddiga oo ka kooban Shan Xubnood, kuwaas oo kala ah.

Guddoomiye

  1. Axmed Macalin Xasan Xubin
  2. Cabdi aadan Xuseen Xubin
  3. C/Naasir Xaashi Jimcaale Xubin

G/dhexe Ciise Maxamed Ciise Xubin

  1. Dhamme Maxamed Cali Maxamed

, iyaga oo baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeynaya  dhacdadii ka dhacday Garoonka

Diyaradaha ee Aadan Cabdulle, taariikhdu markii ay ahayd 22/04/2021.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga ayaa Xubnaha Guddiga la magacabay waxaa uu faray in ay si dhaqsi leh u howl galaan isla markaana natiijada baarista oo tafatiran ku soo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed.