Ciidamo la wareegay Xaafado ka tirsan Muqdisho & Warbaahinta oo loo yeeray

Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid waxaa soo gaaray ciidamadii xalay kasoo baxay Shabeelaha Dhexe, Kuwaas oo haatan farriisimo ka sameystay, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Cali Xuubeey Sargaal lagu magacaabo ayaa ciidanka hogaaminaya. Gaadiidka iyo dadweynaha ayey celinayaan. Sidoo kale goobaha ganacsiga qaarkood ayaa dadkii lahaa xirteen.

Dowladda Federalka wali war rasmi ah kama aysan soo saarin.

Dad badan oo Reer Yaaqshiid ah ayaa  sheegaya in dhaq dhaqaaqa ciidan oo xoog leh uu ka jiro Isgoyska Fagax. Warbaahinta ayaa looga yeeray halkaas si Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay la hadlaan.