Dagaal culus oo ka socda degmada Cabdul Casiis

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka socdaa Aaga Isgoyska Marinaayada ee degmada Cabdul Casiis, halkaas oo ay degan yihiin meel u dhow Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalka oo aan la ogeyn cidda rasmiga ah uu u dhaxeeyo ayaa hadana waxa Aaga Marinaayada ku sugan Ciidamo farabadan oo ay geysay dowladda Soomaaliya, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana kasii horeeyay dagaalka Isgoyska Sanka ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan NISA iyo kuwo Millateri ah, kuwaas oo xalay ka yimid furmaha dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta.