Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooinka muhiimka ah ee  caasimada Muqdisho, kuwaas oo loo diidayo inay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada wadnaha, Wadada degmada Wadajir oo ay ka xran tahay Danwadaagaha iyo wadooyin kale,waxaana lagu arkayaa Ciidamada dowladda oo xataa dadka inay ku lugeeyaan u diidaya.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin xeritaanka wadooyinka Muqdisho, hayeeshee waxaa uu daba socdaa kadib markii xalay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo kasoo horjeeda muddo kororsiga ay soo gaareen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.